579 Views

Dagaal Siyaasadeed oo Ka Dhex Qaraxay Midowga Musharixiinta iyo is Reebreeb Xoog leh oo Socda

Dagaal Siyaasadeed oo Ka Dhex Qaraxay Midowga Musharixiinta iyo is Reebreeb Xoog leh oo Socda
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 5, 2022

Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka aqalka hoose iyo aqalka sare, ayaa bannaanka keentay guuldaro siyaasadeed oo soo wajahday murashaxiintii Nabad iyo Nolol.

Kooxaha mucaaradka ee u midoobay ayaa qaatay dhammaan kuraasti guddoonka ayada oo doorashooyinkaasi aysan kusoo bixin wax musharax Nabad iyo Nolol ah, taasi oo mucaardka ay u arkaan mid bilow fiican u ah in dhabarka la jabiyo Nabad iyo Nolol.

Mucaaradka waxay is-bideen guul siyaasadeed inay gaareen, iyagoona iska dhaadhiciyay in laga guuleystay Nabad iyo Nolol, guuldarada ku dhacdayna laga tixraaci karo doorashada madaxweynaha qaabka ay noqon karto, waxayna xaqiiqsadeen guul aan la hubin halka ay ku danbeyn doonto.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ah mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Himilo Qaran, islamarkaana guddoomiyenimadii uu ka hayey maalmo kahor iska casilay ayaa guushiisa waxay xaqiijisay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed boorka iska jafo, waxayna kooxdiisa ololaha doorashada dhexdooda qireen in madaxweynaha soo socda saadaaliyaan inuu Shariifka yahay, waxay bilaabeen dacaayado iyo dagaal hoose oo murashaxiinta kale ku fogeynayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post