858 Views

Galmudug oo hirgalisay xarunta Maareynta iyo Daaweynta COVID19

Galmudug oo hirgalisay xarunta Maareynta iyo Daaweynta COVID19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 16, 2020–Wasiiru dowlaha wasaaradda Caafimaadka GM oo ay wehliyaan wasiiro xilibaano iyo taliyaha booliska Galmudug ayaa xariga ka jaray xarunta Maareynta iyo Daaweynta COVID19 ee Galkacyo.

Xaruntaan ayaa muhiim u ah bulshada kunool gobolka Mudug, maadaama aysan ku oolin xarun kale oo lagula tala galay Covid-19.

Hadal kooban oo halkaas uu ka jeediyey ayuu ugu mahadceliyey hay’ada IMC oo kaalin weyn ka qaadatay diyaarinta xaruntaan.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada Galmudug inay taxadaraaan Ayna u hogaansamaan tilmaamaha Caafimaadka ee ay bixinayaan dhaqaatiirtu.

Xarunta waxaa lagu diyaariyey sariiro oxygen iyo agabka lagula tacaalo Covid19 waxaana sidoo kale diyaar ku ah shaqaale u diyaarsan inay la tacaalaan bukaanada usoo rito Covid19.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post