1197 Views

Dhageyso:-Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Baaq U Diray Madaxweyne Saciid Deni

Dhageyso:-Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Baaq U Diray Madaxweyne Saciid Deni
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 13, 2019 –Ismaaciil Hurre Buubaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowladii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay Doorashadii dhawaan uu ku soo baxay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isagoona baaq u jeediyay.

Waxa uu sheegay Ismaaciil Hurre Buubaa in Madaxweyne Saciid Deni looga baahan yahay in uu la yimaado waxqabad cusub,isla markaana uusan marin halkaasi horey u mareen Madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay.

Ismaaciil Hurre Buubaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowladii hore  C/llaahi Yuusuf Axmed oo la hadlay Dalsan ayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland ugu baaqay in dagaalka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland lagu dhameeyo wada hadal dhexmara labada dhinac.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayuu tilmaamay in uu xil iska saaro sidii loo dhammeyn lahaa Colaada u dhexeeysa Puntland iyo Somaliland,taasi oo ka taagan xuduudka labada dhinac ay wadaagaan.

Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntlana iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo xoogan uu ku dhexmaray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment