738 Views

Siyaasiyiinta iyo wax garadka Degmada Dayniile oo soo af jaray Qilaaf halkaas ka taagnaa.

Siyaasiyiinta iyo wax garadka Degmada Dayniile oo soo af jaray Qilaaf halkaas ka taagnaa.
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 13, 2021

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa khilaaf xoogle soo kala dhaxgalay Maamulka Degmada dayniile taas oo keentay in khasaaro naf iyo maal leh ka dhacday degmada dayniile.

haddaba waxaa socday maalmihii lasoo dhaafay shirar ay yeelanyeen dadka dega deegaanka Dayniile siyaasiyiintooda iyo waxgaradka Beesha Murusade waxaana maanta lasoo afjaray khilaafka taagnaa labadii isbuuc ee u danbeesay.

Advertisemen

Sentor Dhegdheer ayaa bartiisa Facebooka kusoo qoray warbixin uu uga hadlaya in la xaliyey khilaafka Maamulka degmda dayniile dhaxyeelay.

“Dedaal dheer kadib waxaa mahad iska leh allah S.W.C ee ina abuuray nana waafajiyey xalka. Waxaa bogaadin, ammaan iyo isgarabtaag mudan isfaham-ka buuxa ee laga gaaray kala aragti duwanaanshahii u- dhexeeyey Maamulka Degmada Deyniinle iyo dadka deegaanka Burdheere.

Sidoo kale Waxaan amaanayaa kaalintii Xildhibaanada, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ahna kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo guddigii farsamada ee loo xil saaray xal-kagaarista dhacdadaas.

Waxaa la isla gartay in ay muhiim tahay in la muujiyo is ogolaansho, dabacsanaan, isku tanaasul, isu-garaabid wixii dhacay, bixinta Magta Marxuumkii dhintay iyo in la is-ku celiyo wixii hanti ah ee la kala hayo si loo gaaro xasillooni waarta si wadajir ahna looga shaqeeyo nabadda, horumarka, wada jirka, midninada dadka iyo deeggaanka. Waxeyna arrirntii kusoo dhammaatay heshiis la isku raacay oo wadar ogol-ah.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqayaa Bulsahda Reer Deyniile inay garab istaagaan maamulkooda oo ay la shaqeeyaan si loo xaqiijiyo himilooyinka nabada iyo horuumarka deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post