213 Views

Cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea oo la filayaa in la geeyo Jubaland

Cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea oo la filayaa in la geeyo Jubaland
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 19, 2023

Cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la filayaa in la geeyo Jubaland, si ay kaalin uga qaataan howlgalka Shabaab looga xoreynayo maamulkaasi.

Sida xogaha ay cadeynayaan, go’aankan ayaa qalinka lagu duugay kadib heshiis laba geesood ahaa oo dhexmaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo fadhiga heshiiskan uu joogay ra’iisul wasaare Xamze oo deegaankaasi ka soo jeeda.

Ilaaa Kun askari ayey qorshaha tahay in la geeyo maamulkaasi, iyagoo howlgalo ka sameyn doona degmooyinka Jilib iyo Afmadow, waxeyna ka bar bar dagaalami doonaan ciidamadda kale ee maamulka Jubaland oo loo diyaariyay ciribtirka Shabaab.

Haatan dalka waxaa dib loogu soo celiyay ilaa 500 askari oo kamid ah ciidamadda lagu soo tababaray dalkaasi, waxaana lagu wadaa in dhamaadka bishan la soo wada celiyo, sida uu hore u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano badan ka heysata maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waana maamulka kaliya ay Shabaab ka heystaan gobol dhan waana gobolka Jubbada Dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post