984 Views

Ciidamada Somaliland oo rasaaseeyay Banaanbax ay dhigayeen mucaaradka & khasaaro ka dhashay

Ciidamada Somaliland oo rasaaseeyay Banaanbax ay dhigayeen mucaaradka & khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Waxaa Maanta Magaalada Hargrysa ee degaannada Somailand ka bilaawday Banaanbax rabshado wato oo ay dhigayaan Xisbiyada mucaaradka Somaliland, waxaana rasaaseeyay Ciidamada Booliska.

Banaanbaxa oo uu horkacayay Guddoomiyaha Xisbiga Kucaaradka ah ee WADANI ayaa rasaastii ay ku fureen Ciidamada Booliska waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Xildhibaan Barkhad Batuun masuuliyiin iyo Shacab, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Hargeysa.

Banaanbaxa ayaa waxaa Mucaaradka ay uga soo horjeedaan dib u dhigidda doorashada Madaxweynaha oo ku beegan bisha November ee sanadkaan, waxaana banaanbaxayaasha ay ku dhawaaqayeen Muuse Biixi ha dhaco iyo Erayo kale.

Ciidamada Booliska Soomaliland ayaa sidoo kale Maanta xiray 5 Xubnood oo isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin katirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.

Xaaladda Magaalada Hargeysa ayaa Maanta kacsan, waxaana inta badan xiran Goobaha Ganacsiga, iyada oo Baraha Bulshada lagu faafiyay muuqaalo muujinaya Ciidamada Booliska Somaliland oo jirdilaya Haween ka qeyb galaya banaanbaxa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post