1644 Views

Guddiga aqalka sare oo soo gaba gabeeyay kulamadii ay la yeesheen madaxda KGS

Guddiga aqalka sare oo soo gaba gabeeyay kulamadii ay la yeesheen madaxda KGS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 21, 2018 –Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo gaba gabeeyay kulamadii ay wadeen xubnaha aqalka sare ka socday ee ka shaqeynaayay xalinta khilaafka u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha ayaa la kulmay madaxda sare ee maamulka Koofur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada la soo gabagabeeyay sidoo kalena ay dhageysteen dhamaan cabashooyinka madaxda iyo shacabka Koofur glabeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in guddoonka aqalka sare ay la wadagaayaan cabashooyinka iyo natiijoyinkii ay kala kulmeen magaalada Baydhabo, waxa uu ku baaqay in la garab istaago shacabka Baydhabo gaar ahaan haweenka oo sida uu sheegay dhibaatooyin gaar ah heysta.

Guddiga aqalka sare ee loo xil saaray xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa hada kulamo wadatashi ah ka wada magaalooyinka maamul goboleedyada qaarkood waa ay soo gabagabeeyeen oo waxaa la filaya in Muqdisho ay ku soo laabtaan ka dibna ay shaaciyeen natiiyinkii ka soo baxay kulamadooda.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment