1200 Views

Wararkii u dambeeyay ee xaalada dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Wararkii u dambeeyay ee xaalada dagaalka Ruushka iyo Ukraine
____________________________________________________________________________


Axad: February 27, 2022

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Ciidamadeeda ay dib u billaabeen Howlgalka dhinaca lugta ee ay ka wadaan Magaalooyinka Ukraine, ka dib markii Xukumadda Ukraine ay ka dhaga adeegtay wada hadal, sidaasi waxaa Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka.

Balse Dowladda Ukraine oo qoraal soo saartay ayay ku beenisay hadalka Ruushka ah ee in ay diideen Wada hadal, waxaana ay sheegtay in ay diyaar u aheyd in ay aqbasho Wada xaajood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan mamnuucista Maraakiibta Dagaalka Ruushka in ay maraan Badda Madow. 

Turkiga, oo gacanta ku haya marinnada Dardanelles iyo Bosphorus Straits ee isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda madow, kama hadlin hadalka Madaxweynaha Ukraine ee ku sheegay in laga mamnuucay halkaasi Maraakiibta Ruushka.

Waxaa weli taagan Xiisadda dagaalka uu Ruushka ku qaaday wadanka Ukraine, ilaa haddaba waxaa la soo warinayaa dhimashada Boqolaal ruux iyo barakaca kumanaan kale oo u qaxay dalala dariska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post