1575 Views

Eng.Yarisow iyo Danjiraha dalka Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum

Eng.Yarisow iyo Danjiraha dalka Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Febaraayo 26, 2019 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa.

Guddoomiye Yarisow oo ugu hambalyeeyay Danjire Khalafallaah xilkan dhawaan loo soo magacaabay ayaa u sheegay in uu kala kulmayo Maamulka iyo shacabka Caasimadda soodhaweyn wanaagsan, muddada uu ku guda jiro gudashada waajibaadkiisa Qaran.

Danjiraha dalka Suudaan ee Muqdisho ayaa codsaday in dib loo soo celiyo dhulkii xarunta u ahaa Safaaradda dalkiisa ee ay u qorshaysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, arrinkaas oo uu aqbalay Guddoomiyaha Gobolku.

Sidoo kale, labada masuul ayaa isku afgartay in dib loo soo celiyo iskaashiga iyo xiriirka wada shaqeynayd ee ka dhaxeeyey Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum, iyadoona la is-dhaafsanayo khibradaha iyo qorsheyaasha la xiriira ilaalinta deegaanka, xaqiijinta bilicda iyo baahinta adeegyada asaasiga ah.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Suudaan kaalinta ay ka qaadataan waxbarashada dhallinta Soomaaliyeed, maadama dalkaas uu hooy u yahay kumannaan arday oo waxkabarta Jaamacadaha dalkaas, sidoo kalena macalimiin Suudaan u dhalatay ay bareyaal ka yihiin qaar ka mid ah xarummaha waxbarashada Caasimadda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment