1002 Views

Hoggaamiyaha mucaaradka Benin oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah

____________________________________________________________________________


Axad: December 12, 2021


Maxkamad ku taal waddanka Benin ayaa sabtidii 20 sano oo xabsi ah ku xukuntay hoggaamiyaha mucaaradka Reckya Madougou oo ah haweeney si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha dalkas, kaddib markii lagu lagu helay falal aragagixisonimo, sida ay sheegtay maxkamadda xukuntay.

Madougou ayaa la soo taagay maxkamad, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay waxay ugu yeereen anshax xumo iyo shir-qool siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Patrice Talon.

Xukunka ayaa lagu dhawaaqay abbaare 6-dii subaxnimo, ka dib markii ay socotay maxkamad aan wax markhaati ah la horkeenin, sida bayaan ay soo saareen ay ku sheegeen qareenadeeda.

Xukunka lagu riday Madougou, oo ahaa wasiirkii hore ee cadaalada, ayaa imaanaya maalmo kadib markii mid kale oo kamid ah mucaaradka madaxweyne Talon, oo la yiraahdo Joel Aivo, lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu maleegayay falal ka dhan ah dowladda iyo is damaba marin lacageed.

Madougou ayaa la xiray bishii March waxaana lagu eedeeyay in uu maalgelisay howlgal lagu dilayo dad siyaasiyiin ah si looga hortago inay dhacdo doorashada madaxtinimada.

Musharaxnimadeeda waxaa horay u diiday guddiga doorashada.

Reuters.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post