354 Views

Dowlada Itoobiya oo codsatay heshiis Deg deg ah oo lala galo Maleeshiyaadka Tigrayga

Dowlada Itoobiya oo codsatay heshiis Deg deg ah oo  lala galo Maleeshiyaadka Tigrayga
____________________________________________________________________________

Khamiis:AUGUST 18, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaaro heshiis rasmi ah oo lagu soo afjaro dagaalka ay kula jirto Tigrayga, si dib loogu soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobolada waqooyi ee ay dagaalladu ka dhaceen.

Guddi ay xukuumada Abiy Ahmed bishii Juun u saartay inay talo kasoo dhiibaan suurtagalnimada wadahadallo lala yeesho Tigrayga ayaa sheegay inay dejiyeen “Qorshaha wadahadalka nabadeed” si ay isugu dayaan joojinta dagaalkaasi soo bilowday November 2020.

“Si loo xaqiijiyo bixinta gargaarka bini’aadantinimo, loona fududeeyo dib u soo celinta adeegyada aasaasiga ah iyo joojinta dagaalka, colaadda lagu xalliyo si nabad ah; Guddigu waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan loo gaaro heshiis rasmi ah”

GUDDIGA DOWLADDA ITOOBIYA

Dhinaca Tigreyga ee TPLF ayaa ku adkaystay in adeegyadii aasaasiga ahaa dib loogu soo celiyo gobolkooda oo ay ku nool yihiin lix milyan oo qof ka hor inta aan wada hadal la bilaabin.

Dagaaladii ka dhacay waqooyiga Itoobiya ayaa qaboobay markii lagu dhawaaqay xabbad joojin dhamaadkii bishii March, taasoo saamaxday in dib loo bilaabo gargaarkii caalamiga ah ee la geenayey gobalka Tigrayga. Waxaanse illaa iyo hada lagu guuleysan heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo colaada.

Guddiga Dowlada Itoobiya ayaa sheegay in ay hindisahooda nabadeed u gudbin doonaan Midowga Afrika oo hormuud ka ahaa dadaallada lagu soo afjarayo colaadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post