906 Views

Duqa Muqdisho oo Caddeeyay Mowqifkiisa ku aadan doorashadii Galmudug

Duqa Muqdisho oo Caddeeyay Mowqifkiisa ku aadan doorashadii Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la kulmey Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian, iyadoo intii lagu guda-jiray laga wadahadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah ee wadaaga xiriir taariikheed muddo dheer soo jiray.

 

Wasiir Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay inuu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka China oo ah goobta uu cudurka dilaaga ah ee ‘coronavirus’ uu ku faafay.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay la kaashan doontaa Dowladda China iyo Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Beijing si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu u xaqiijiyay Safiirka China in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo dadka China xilligan adag, iyadoo si adag ay uga shaqaynayaan xakamaynta faafitaanka ‘coronavirus’, waxa uu u rajeeyay in ay ku guulaystaan ka takhaluskiisa gebi ahaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment