642 Views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle oo ku sii jeeda saaka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle oo  ku sii jeeda saaka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa ku sii jeeda saaka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Booqashada Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne oo hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid ayaa waxaa haatan ka mid ah xubnaha ku wehelinaya safarkiisa wasiiro ka tirsan xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Jowhar caasimada Hirshabelle waxaa socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee safarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe uu ugaga ambabaxayo magaalada Beledweyne,

Wadooyinka magaalada Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

Hase yeeshee, Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Genaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo xalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digey booqashada Madaxweynaha Hirshabelle ee magaalada Beledweyne.

Abuukar Xuud ayaa sheegay in arrinta ay xamar markii hore u yimaadeen ay aheeyd wanaag iyo in wadahadal wax lagu dhameeyo, balse hadda ay socdaan dadaallo lagu dib mareeynayo oo halkaasi dhib laga sameeynayo.

Waxana uu Jeneral Xuud ku hanjabay in wax walbo oo la sameeyo ay jawaab u dhiganta ay sameeyn doonan ayna helli doonto cidda sameeysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post