552 Views

Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle oo shaaciyay jadwalka doorashada laba kursi

Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle oo shaaciyay jadwalka doorashada laba kursi
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 2, 2022

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle, ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada laba Kursi oo dhawaan ka dhici doonto Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka  Hir-Shabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in inta u dhaxeysa Arbacada maanta  ah ilaa 5-ta Bishan la qaban doono shaacinta Ergada doorashada, tababarkooda & diiwaangelinta musharrixiinta halka 6-da Bisha oo ku beegan Axadda soo socota la qabanayo doorashada kuraasta kala ah HOP#070  iyo HOP#115

Hir-Shabeelle ayaa horay  Magaalada Jowhar ku qabtay doorashada lixdii Kursi ee ugu horreeysay Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Hir-Shabeelle.


Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post