996 Views

Galmudug oo ka hortimid Go’aan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya

Galmudug oo ka hortimid Go’aan kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 26, 2019–Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay Habraaca Guud ee doorashooyinka dowlad goboleedyada,hayee Go’aankaas Wasaaradda ayaa waxaa kasoo horjeestay Maamulka Galmudug.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Burhaan Maxamed Samatar ayaa sheegay in aan lagala tashan Warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee ku saabsan doorashooyinka,isla markaana ay tixgelin siin weysay.

 

 

Waxa uu soo hadal qaaday hadalkii xalay kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ee ahaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhici doontaa Afarta Bisha July ee Sanadkan.,waxaana uu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya ay meesha ka saartay awoodii doorashooyinka ku lahaayeen Dowlad goboleedyada.

 

Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayuu sheegay in xilliga doorashada Galmudug ay ka dhaceyso ay ku qoran tahay dastuurka Galmudug iyo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna ee dalka Jabuuti.

 

Waa maamulkii ugu horeeyay ee kasoo horjeesta habraacad oorashooyinka dowlad Goboleedyada oo ay xalay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment