426 Views

Maamulka Hirshabeelle oo amar ku bixisay in aan la furi karin Goobaha Ganacsiga ee ku yaala Jowhar

Maamulka Hirshabeelle oo  amar ku bixisay in aan la furi karin Goobaha Ganacsiga ee ku yaala Jowhar
____________________________________________________________________________




Arbaco: February 23, 2022

Maamulka Hirshabeelle ayaa amar ku bixisay in aan la furi karin Goobaha Ganacsiga ee ku yaala Jowhar, kadib markii xubno ganacsato ah Al-shabaab ugu yeereen degmada Aadan-yabaale oo ka tirsan Sh/dhexe, kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Jowhar.

Warar haatan ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in inta badan Goobaha ganacsiga ee magaaladaas maanta ay xiran yihiin, waxaana lagu xiray amarka Maamulka Hirshabeelle, maadama ganacsatadaas qaarkood looga yeeray deegaanka Aadan-yabaal oo ay Al-shabaab xukumaan.

Lama oga sababta ganacsatadaas loogu yeeray, balse waxaa hubanti ah in Al-shabaab canshuur ka qaadaan ganacsatada magaalada jowhar.

Sidoo kale, waxaan la ogeyn talaabada kale ee uu Maamulka Hirshabeelle qaadayo haddii xubnahaas Shabaab jira ay soo laabtaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post