810 Views

Taalibaan oo go’aan kasoo saartay waxbarashada haweenka

Taalibaan oo go’aan kasoo saartay waxbarashada haweenka
____________________________________________________________________________

 Axad: September 12, 2021

Wasiirka waxbarashada sare ee dowladda Taalibaan ee Afghanistan ayaa Axadda maanta ah sheegay in haweenka dalkaasi ay sii wadan karaan in ay wax ka bartaan jaamacadaha, laakin ay waajib tahay in fasalladu ay noqdaan kuwa kala saara ragga iyo dumarka, islamarkaana ay haweenku xirtaan lebiska Islaamiga ah, sida uu yiri.

Abdul Baqi Haqqani oo ah wasiirka ayaa ku soo bandhigay siyaasaddan cusub shir jaraa’id oo uu qabtay, maalmo ka dib markii maamuleyaasha cusub ee Afghanistan ay dhiseen xukuumad dhammaan xubneheedu ay rag yihiin.

Dunida ayaa si dhow isha ugu haysa si loo ogaado ilaa xad inta dhaqanka Taalibaan uu ka bedelan yahay keedii hore ee ee soo billowday dhammaadkii 1990-meeyadii. Xilligaasi, ayaa gabdhaha iyo haweenka ay u diiday waxbarashada, waxaana laga saaray nolosha dadweynaha.

Taalibaan ayaa sheegtay in ay hadda is bedeshay, oo ay ku jirto sida ay ula tacaamuli doonaan haweenka. Laakinse, waxa ay gacan bir ah u adeegsadeen haween maalmihii la soo dhaafay u bannaan baxayay in ay helaan xuquuq siman.

Haqqani ayaa sheegay in maadooyinka lagu dhigo jaamacadaha iyagana dib u eegis ay ku sameyn doonaan laakin ma uusan faahfaahin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post