102 Views

Midowga Afrika oo Itoobiya ugu Baaqay Ilaalinta Xiriirka Darisnimo iyo Bedqabka Geeska Afrika

Midowga Afrika oo Itoobiya ugu Baaqay Ilaalinta Xiriirka Darisnimo iyo Bedqabka Geeska Afrika
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo si dhow ula socdaa xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo (Somaliland) ayaa qoraal uu soo saaray waxaa loogu baaqay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya in ay xaaladda dejiyaan.

Guddoomiyaha guudigga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa ku booriyay in laga fogaado waxkasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, kadib heshiiska dowladda Itoobiya Somaliland ugu sixiixday 20 KM oo badda Seylac ah.

“Guddoomiyaha wuxuu ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinacba, si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya” Wuxuu intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada, si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda, ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadallo lagu xalinayo kala duwanaanshiyaha labada dal, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Ugu dambeynyii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadahan soo cusboonaaday, taas oo dhextaagan dowladda Soomaliya iyo dowladda Itoobiya, kaas oo ka dhashay heshiiskii 1 bisha lagu saxiixay Addis Abba, caalamka ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay arrintaan.

_____________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post