1116 Views

Nabadoon ka mid ahaa ergadii soo xushay baarlamaankan waqtigu ka dhamaaday 10-aad oo goor dhawayd lagu dilay degmada Kaaraan

Nabadoon ka mid ahaa ergadii soo xushay baarlamaankan waqtigu ka dhamaaday 10-aad oo goor dhawayd lagu dilay degmada Kaaraan
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan  ayaa sheegaya in goor dhawayd oo afurkii  kadib lagu Dilay halkaas Nabadoon caan ahaa halkaas,  kana  mid aha ergadii afar sano ka hor soo xushay baarlamaankan waqtigu ka dhamaaday ee 10-aad.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka ay Toogteen Koox ku hubeysan Bastoolado, waxaana la sheegay in lagu dilay agagaarka masjidka Turkiga ee xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Hilowle, waxuuna kamid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.

Sidoo kale Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka Nabadoon Cabdullahi Hilowle, balse kooxda Al-Shabaab ayaa mudo dheer ugaarsi ku heysay odayaasha iyo ergadii soo dhisay baarlamaankan 10-aad ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post