945 Views

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri laba Sano kadib qarixii Soobe?

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri laba Sano kadib qarixii Soobe?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October14–2019 —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdllaahi Farmaajo ayaa ka hadlay laba sano kadib qarixii khasaaraha badan dhaliyey oo Maanta oo kale sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Farriinta Madaxweyne Farmaajo.

14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna.

 

Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.

 

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.

 

Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool.

 

Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment