828 Views

Kuraas deegaan doorashooda ay ahayd Beledweyne oo loo wareejiyay Jowhar

Kuraas deegaan doorashooda ay ahayd Beledweyne oo loo wareejiyay Jowhar
____________________________________________________________________________

 Sabti: April 30, 2022

Guddiga doorashooyinka ee FEIT ayaa soo saaray go,aan la xiriira doorashada labada kursi oo  laga wareejiyey Magaalada Beledweyn loona wareejiyey in doorashadooda lagu qabto Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Laba kursi mid ka mid ah oo doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Jowhar, waxaa kusoo baxay Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) isaga oo ka guuleystey Xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigaas Sheekh Cabdirsitaar Cabdsalaan Sh.Xasan Barsane kaas oo tirsigiisu yahay HOP#009.

Sidoo kale,  kursiga HOP#135 oo deegaan doorashadiisu ahayd Magaalada Beledweyne, balse ay guddiga FEIT ay haatan go,aamiyeen in doorashadiisa loo wareejiyay Magaalada Jowhar sababo amni darteed, iyadoo kursigaas ay hore ugu fadhisay Allah ha unaxariistee Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi.

“Iyadoo la tix-raacayo heshiiskii 17 Sebtember 2020 iyo ansixintii labada aqal ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo qeexaya in maamulaka goboleedka HirSHabeele doorashada lagu qabto Jowhar iyo Beledweyne. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada labada kursi ee kor ku xusan laga wareejiyey Beledweyn loona wareejiyey in doorashadooda lagu qabto Magaalada Jowhar, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga FEIT.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post