1068 Views

Xukuumad Cusub oo looga dhawaaqay dalka Suudaan

Xukuumad Cusub oo looga dhawaaqay dalka Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 06, 2019 —Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Suudaan, Cabdalla Xamdook ayaa shaaca ka qaaday magacyada golaha wasiirada cusub ee uu dalkaas yeelanayo tan iyo markii la sameeyay dowlad kumeel gaar ah oo saddex sanno awoodda heyn doonto taas oo ay hogaaminayaan mucaaradka iyo militariga.

 

Asmaa Cabdallah ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, waana markii ugu horreysay ay haweeneey wasiir arrimo dibadeed ka noqoto Suudaan.

 

Golaha wasiirada cusub oo gaarayo 18 xubnood ayaa waxaa dumar ka ah afar.

 

Jamaal Cumar oo janaraal ka tirsan ciidammada ayaa noqonayaa wasiirka gaashaandhigga halka El-Trafi Dafallah oo horey u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.

 

Ibraahim Axmed Al Badawi waxaa isagana loo magacaabay wasiirka maaliyadda ee Suudaan.

 

Ra’iisul wasaare Xamdook waxaa uu kasoo shaqeeyay guddiga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey.

 

Waxaa uu sheegay markii uu ku dhawaaqayay golaha wasiirada in sababta loo sameeyay dowladda kumeel gaarka ah ay tahay soo afjaridda qalalaasaha iyo xoojinta nabadda Suudaan.

 

Dalka Suudaan waxaa tan iyo bishii April ka taagnaa qalalaase ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday madaxweynihii xukunka laga tuuraay, Cumar Xasan Al Bashiir.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment