978 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha K/Galbeed oo la kulmay Maamulka G/Bakool

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 13, 2019–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ku sugan degmada Waajid ayaa waxaa halkaasi uu kulan kula qaatay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Waajid.

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii Maamulka gobolka u dardar gelin lahaayeen howlaha Shaqo oo ay u hayaan Bulshada Gobolka Bakool oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

 

 

 

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Waajid ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ay uga mahad celiyeen dadaalka uu ku bixiyey mashaariicdii uu ka dhagax-dhigay Waajid iyo deegaannada kale ee Gobolka Bakool.

 

Ugu dambeyn Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa u sheegay mas’uuliyiinta kala duwan in Maamulka Koonfur Galbeed uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka kajira Gobolka oo ay ugu weyn yihiin god’oonka degmooyin ka qaar ay saareen Al-Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment