420 Views

Wasiirka Waxbarashada XFS oo ka qeybgaley Dood ku saabsan tayeynta Waxbarashada dalka

Wasiirka Waxbarashada XFS oo ka qeybgaley Dood ku saabsan tayeynta Waxbarashada dalka
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2023 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeyb-galay dood si toosa uga baxaysay Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka oo su’aalo looga waydiinayey Tayeynta Waxbarashada Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay ahmiyadda uu leeyahay barnaamijkan isagoona kaga jawaabay su,aalo muhiim ah isla markaana sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu hor yimaaddo bah-waynta Waxbarashada dalka si uu ugu bidhaamiyo halka uu marayo geedi-socodka hayaanka Waxbarashada dalka.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo ardayda ayaa su’aalo toos ah waydiiyay Wasiirka, iyagoo ku ammaanay in uu horyimaado, si uu dhageysto tabashooyinkooda iyo talooyinka ku aaddan tayeynta Waxbarashada dalka.

“Kalsoonida shacabkeenna waxa ay gaartay in la aamini waayo wax walbo oo wanaagsan oo ay dowladda sheegtay, sidaa darteed waxaan idiin ballan-qaadayaa in aan wax ka qabanno wax kasta oo dadkeennu laga dhaadhiciyay in aan la gaari karin ama aan laga miro-dhalin karin.”

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gudashada waajibaadka ka saaran baahinta, tayaynta iyo horumarinta guud waxbarashada dalka. Wuxuu si gaar ah uga faallooday qorshaha shaqaalaysiinta macallimiinta cusub dowladda ee hadda socdo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post