312 Views

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 6, 2022

Madaxweynaha dhowaan la doortay ee dalka Kenya William Ruto iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne William Ruto iyo wefdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Labada hoggaamiye ayaa lagu wadaa inay ka wada hadli doonaan arrimo kala duwan oo ku saabsan xiriirka soo jireenka ee u dhaxeey labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goobjoog ka noqon doona Munaasadda furitaanka Shirkadda Safaricom qeybteeda dalka itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post