936 Views

Suldaan C/raxmaan Muxummed Carab oo Jigjiga lagu aasay

Suldaan C/raxmaan Muxummed Carab oo Jigjiga lagu aasay
____________________________________________________________________________


Axad: April 24, 2022

\Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu aasay marxuum Suldaan C/raxmaan Muxummed Carab oo xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.

Marxuumka oo ahaa hoggaamiya dhaqameed siyaasadda Deegaanka Soomaalida si weyn uga muuqday ayaa deegaanka ka soo qabtay xilal kala duwan.

Taariikh noololeedka marxuumka oo aaska kaddib la akhriyey ayaa lagu sheegay xilal ay ka mid ahaayeen La taliye madaxweyne, Guddoomiye Ku xigeenka baarlamaanka deegaanka, ku xigeenka hoggaanka nabadgalyada, Guddoomiye degmo iyo xilal kale.

Marxuumka oo sanadihi u dambeeyey ahaa daaci faafinta diinta si weyn uga howlan waxaa u tacsiyeeyey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, mas’uuliyiin iyo hoggaanka dhaqanka deegaanka soomaalida.

“Waxa uu ahaa tiir ka baxay shacabka Deegaanka oo ay yar tahay in baddalkiisa la helo, Allaha u naxariisto qalbiyadana Allaha noo qaboojiyo”, Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar.

Marxuumka wuxuu ifka kaga tagay 3 xaas iyo 14 carruur ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post