765 Views

Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay ka hortageen weerarada Al-Shabaab

Wasaaradda Amniga oo sheegtay inay ka hortageen weerarada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2021—Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Xasan xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay ay ku guuleysatay inay ka hortagto weeraradii qaraxyda ahaa oo ay geysan jireen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana taasi ay sababtay inay yaraadaaan weerarada qaraxyada ah iyo kuwa tooska ah oo ay fulin jireen.

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Xasan xundubeey Jimcaale waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in Ciidamada dowladda ay burburiyeen Goobihii Al-Shabaab weerarada kasoo ababauli jireen, sidoo kalena Ciidamada ay howlgalalda sii wadi doonaan.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Xasan xundubeey Jimcaale ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli degaano ka tirsan dalka ay Ciidamada dowladda ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Audio Player

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post