2088 Views

Kooxda Al-Shabaab oo Mozambique ku dishay 90 qof

Kooxda Al-Shabaab oo Mozambique ku dishay 90 qof
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, 2018 —Bernadino Rafael Taliyaha booliska dalka Mozambique ayaa waxa uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu weerraro ka gaysto.

Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, oo waxa ay galeen tuulooyinka iyagoo sita mindiyo kuwaasi oo ay u adeegsanayeen qoor goynta dadka tuulooyinka

Kooxda ayaa gubay in kabadan kun guri sidoo kalana waxa ay weerareen xarumo boolis.

Waxaa loo yaqaanaa Al-Shabaab, balse ma cadda in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ka dagaalanta bariga Afrika oo ay isku magaca yihiin. Waxaana la aaminsayahay in ay malaayiin doolar ay ka heelan iibinta alwaaxa iyo macadanta.

Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment