435 Views

Maamulka gobolka Hiiraan oo ka digay isticmaalka biyaha uu hadda wado webiga Shabeelle ee dhexmara magaaladaasi

Maamulka gobolka Hiiraan oo  ka digay isticmaalka biyaha uu hadda wado webiga Shabeelle ee dhexmara magaaladaasi
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

 Maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka digay isticmaalka biyaha uu hadda wado webiga Shabeelle ee dhexmara magaaladaasi.

Maamulka ayaa sheegay in webigu wado biyo ay garan waayeen oo midabkooda iyo urtooduba ka gadisan yihiin biyihii hore ee webiga.

Biyaha cusub ee uu webigu wado ayaa yimid maalintii shalay ahayd iyadoo illaa maanta la arki karo isbadalka biyaha ka muuqda.

Guddoomiyaha Beledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuubow ayaa BBC u sheegay in webiga uu shaley keenay biyo aan la garaneyn wax lay yihiin.

“Biyaha waan la yaabay, biyo madoobaad ah biyaha roobkana ma ahan, waa biyo guduud xiga, waxa aan ku tilmaamo ilaa iyo hadda anigu ma hayo”

Wuxuu intaa ku daray in biyaha ilaa uu webiga wado isla markaana aysan waxbo iska baddalin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post