1884 Views

Daawo Sawiro:-Dowladda Denmark Oo Aqoonsatay Baasamoorka Soomaaliya

Daawo Sawiro:-Dowladda Denmark Oo Aqoonsatay Baasamoorka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2018–Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark, kadib martiqaad uga yimid dowladda Denmark ayaa  kulamo la qaatey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Socdaalka, iyo Xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa.

Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey Amniga, Socdaalka, Baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark, kadib martiqaad uga yimid dowladda Denmark ayaa  kulamo la qaatey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Socdaalka, iyo Xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa.

Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey Amniga, Socdaalka, Baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Demark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya.

Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatey iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah.

Sidoo kale Denmark ayaa Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xarunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya

11 13 ,1

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment