1965 Views

Xagee ku dambeeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Shirkadda DP World iyo Dowladda Jabuuti?

Xagee ku dambeeyay Khilaafkii u dhaxeeyay Shirkadda DP World iyo Dowladda Jabuuti?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 18, 2018 – Dowladda Jabuuti ayaa isku diyaarineysa inay bixiso Magdhowga Shirkadda DP World, oo noqon karaya inka badan ama ka yar 500 Milyan oo doolar, todobaadka soo socdo, si loo xaliyo murunka ka dhashay maamulka Dekadda Dooraale e dalka Jabuuti.

Abuubakar Cumar Haadi, Guddoomiyaha dekadaha & Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti, ayaa sheegay inay diidan yihiin in gacan seddexaad ku lug yeelato isfaham dhex mara dowladda Jabuuti iyo Shirkadda DP world.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay DP World inay la fariistaan Jabuuti ayna qaataan lacagta ay magdhow ahaan ogol yihiin inay bixiyaan.Wuxuuna yiri, “Waa inay annaga nala fariistaan, Qaataan Lacagtooda kadibna baxaan”.

Warbixin lagu daabacay bogga arrimaha dhaqaalaha ka faalooda ee Financial Times ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti Todobaadkii lasoo dhaafay ay furmay Wajiga koowaad ee ganacsiga horta ah oo ay ku baxeyso 3.5 bilyan oo ay la galeen dowladda China.

DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaana arintaasi ku sheegtay inay tahay mid lagu jibinayo heshiiskoodii muddada 30 sano ah ee ku aadanaa dekadda Dooraale.

Jabuuti waxay hadda sheegtay inay diyaar u tahay bixinta Magdhow-ga heshiiskii ay la galeen DP World, maadaama ay ka hor yimaadeen inay 30 sano maamusho dekadda Dooraale ee dalka Jabuuti.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment