327 Views

Bannaanbaxyo looga horjeedo xukuumadda cusub oo ka dhacay Israa’iil

Bannaanbaxyo looga horjeedo xukuumadda cusub oo ka dhacay Israa’iil
____________________________________________________________________________

Axad: January 8, 2023

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka ,iyafoo ka ashtakoonaya qorshaha  xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo la tilmaamay I uu  halis ku yahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda.

Dibad-baxayaasha isugu soo baxay magaalada Tel Aviv ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Dimuqraadiyadda oo khatar ku jirta” iyo “Wadajir ka dhan ah faashistaha iyo midab-takoorka”.

Dibadbaxaasi waxaa hogaaminayay garabka bidix iyo xubno Falastiiniyiin ah oo ka tirsan baarlamaanka Israel, Knesset.

Dadkaasi ayaa dhaleeceeyay Wasiirka Cadaaladda Yariv Levin, kaas oo soo bandhigay wax-ka-bedelka muddada dheer ee dowladda iyo nidaamka garsoorka ee looga golleeyahay in lagu wiiqo Maxkamadda Sare ee dalka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post