867 Views

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey Qaraxii isgoyska Banaadir ee magaalada

Al-Shabaab oo  shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey Qaraxii isgoyska Banaadir ee magaalada
____________________________________________________________________________

 Axad: November 14, 2021

3 malin kadib Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii 11-ka bishan ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Al-shabbaab ayaa magaca iyo beesha uu ka dhashay ninkaan si deg deg ah u soo sheegtay, wallow lagu yaqaanay shabaab in maalmo kadib ay sheegto.

Ninkaan ayaa wareysi laga qaaday kahor inta uusan is-qarxin magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Xasan Iimaan oo loo yaqaan (Xaliye) ama (Caasim). Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Reer Shabeelle, gaar ahaan Reer Ciise.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ku dhashay magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose sanadkii 1989-kii, wuxuuna tilmaamay inuu waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay isla magaaladaas.

Sidoo kale Cabdullaahi ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-ka, wuxuuna kamid ahaa ciidamadii ka howlgeli jiray gobolka Banaadir kahor inta uusan ku biiran qeybta is-qarxinta, sida lagu sheegay wareysiga.

Sheegashada shabaab ayaa imaanaya xili ay ku faaneen Al-shabaab saacado kadib markii uu dhacay Qaraxii banaadir, in ay dileen saraakiil Maraykan ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post