744 Views

Pakistan: Kooxdii ka soo horjeedday ‘sawirkii Nebiga laga sameeyey’ oo soo rogaal celisay

Pakistan: Kooxdii ka soo horjeedday ‘sawirkii Nebiga laga sameeyey’ oo soo rogaal celisay
____________________________________________________________________________


Axad: December 5, 2021

Bishii la soo dhaafay, Pakistan ayaa qaadday xayiraaddii saarneyd xisbiga mayalka adag ee Islaamiyiinta, Tehreek-e-Labaik Pakistan (TLP), kaasoo ahaa wajigii dibadbaxyada looga soo horjeeday Faransiiska ee ka dhashay daabacaadda sawir-gacmeedka Nebi Muxamed NNKH.

Hogaamiyihii xisbiga TLP ee xidhnaa iyo sidoo kale boqollaal taageerayaashiisa ah ayaa la sii daayay, waxaana xisbiga loo oggolaan doonaa in uu ka qayb qaato siyaasadda guud. Dad badan ayaa ka cabsi qaba in tallaabadan aysan saameyn ku yeelan doonin siyaasadda Pakistan oo keliya balse ay sidoo kale saameyn ku yeelan karto gobolka guud iyo caalamka intiisa kale.

Taariikhdu markii ay ahayd 31-kii Oktoobar, sarkaal bilays ah oo lagu magacaabo Irfan Ahsan ayaa soo baahiyey si uu u sugo ammaanka magaalada Wazirabad ee gobolka Punjab ee Pakistan, halkaas oo boqollaal mudaaharaadayaasha TLP ah ay ku sugnaayeen in ka badan toddobaad iyaga oo ujeeddada ay u socdeen ahayd caasimadda Islamabad si ay ugu qasbaan dawladda in ay erido ergeyga Faransiiska iyada oo lala xidhiidhinayo daabacaadda sawir-gacmeedkii laga sameeyey Nebi Muxamed ee lagu baahiyey majaladda Faransiiska ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post