699 Views

Rooble oo saakay ku Wajahan Jowhar iyo Diyaar Garow ka socdo halkaas

Rooble oo saakay ku Wajahan  Jowhar iyo Diyaar Garow ka socdo halkaas
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaas ay ka socoto Diyaar garow ku aadan safar uu saacado kooban ku Joogi doono halkaas Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo saacadaha soo socda ku wajahan halkaas

Ujeedka Ra’iiusul wasaare Rooble iyo wefdigiisa, ayaa ku saabsan u kuur-gelidda xaaladda banii’aadanimo ee ka dhalatay fatahaadda webigu ka sameeyay degaanno ka tirsan magaalada Jowhar.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu halkaas u tegi doono arrima la xiriira xallinta khilaafaad siyaasadeed oo ka jira gudaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa isna shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar. about:blank

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post