285 Views

Wararka ka imaanaya caawa degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in heshiis Xabad joojin ah oo hor dhac ah laga gaaray

Wararka ka imaanaya caawa degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe  ayaa sheegaya in heshiis Xabad joojin ah oo hor dhac ah laga gaaray
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Wararka kia imaanaya caawa degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe  ayaa sheegaya in heshiis Xabad joojin ah oo hor dhac ah laga gaaray dagaalkii ka dhacay  degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Xubno uu horkacayo Imaamka Mudulood ay  ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex dhigaan beelihii ku dagaalamayay deegaanadaasi, islamarkaana la kala qaaday ciidamadii labada dhinac ee is horfadhiyay

“Maanta iyo shalay waxaa tagnay dhamaan aaggagii ay xabadu ka dhaceysay oo ciidamadu isku horfadhiyeen, marka isku marnay intaas waxa isku afgaranay dadkii deegaan iyo ciidamadii joogay in xabad dambe aysan dhicin oo ciidamada aagga laga bixiyo,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay xubnaha uu horkacayo Imaamka Mudulood.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in dhinacyada isla qaateen ku dhawaaqista gogol nabdoon oo la dhigayo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post