453 Views

Duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo galay maalintii tobnaad

Duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo  galay maalintii tobnaad
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii tobnaad, waxaana Ciidamada Ukraine ku dhawaaqeen in Ciidamada Ruushka ay bilaabeen inay go’doomiyaan Caasimada Kyiv iyo sidokale magaalada Kharkiv, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi.

Sidokale Maayarka magaalada Mariupol ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ruushka ayaa hareereeyay magaalada Mariupol, oo ku taalla koonfurta Ukraine.

Maamulka magaalada  Kyiv ayaa xsheegay in Ciidamo xoojin ah oo ka socda wadamada xulafada ah loo qeybin doono furimaha hore ee dagaalka, halka Ra’iisul wasaaraha Ukraine Denis Shmyal uu ku eedeeyay ciidamada Ruushka inay duqeeyeen isbitaalada iyo iskuulada.

Dhanka kale Madaxada ammaanka dhinaca internet ka ee Ukraine ayaa sheegay in ay ku jiraan dagaal culus oo dhinaca internet ka ah, gaar ahaan dagaal lagu beegsanayaa internet ka dawladda iyo shabakadaha kaabayaasha, sidoo kale internet ka bulshada rayidka ah ayaa la bartilmaameedsaday intii uu socday dagaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post