507 Views

Ra’iisul Wasaare Xamsa “ Goonni isu taagga Somaliland waa in laga garaabo

Ra’iisul Wasaare Xamsa “  Goonni isu taagga Somaliland waa in laga garaabo
____________________________________________________________________________

Axad: June 26, 2022

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhamaystirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayaa wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale xoogga saari doonto sidii Soomaalilaya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wada hadli lahaayen

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu raiisul wasaaruhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga garaabo goonni isu taagga Somaliland.

“Arrinta waan go’nay iskama imaan, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray. Mashaakilaadkaas in la taabto oo si dhab ah loo wada hadlo oo walaaltinnimo ah, oo ehelnimo ah ayaan dooneynaa,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in loo baahan yahay in la wada yeesho wixii adeeg ah ee la jira dowladda federaalka ee dhaqaalaha la wada lahaa ah.

“Siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo fara badan oo la wadaago, marka in waxaas si walaaltinnimo ah loo wadaago iyo in dowladda federaalka ay mar walba fududeyso waxa u baahna fududeynta, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in marka hore loo baahan yahay in la dhiso kalsooni kahor inta aan laga fekerin dhanka farsamada ee wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa laga joogaa 31 sano markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post