2193 Views

Sheekh Shariif oo ku baaqay in cadaaladda la horkeeno dadkii dambeeyay Qaraxii Xarunta G/Banaadir

Sheekh Shariif oo ku baaqay in cadaaladda la horkeeno dadkii dambeeyay Qaraxii Xarunta G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah Cadaalladda u horkeento dadkii ka dambeeyay Qaraxii xarunta gobolka Banaadir.

 

“Ugu dambeyntiina Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in cadaaladda ay horkeento cid walba oo qayb ku lahayd weerarkii 24 July lagu qaadey xarunta maamulka gobolka Banaadir ee lagu diley qaar kamid ah madaxdii maamulka iyo shaqaalihii dowladda hoose ee Xamar” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Shariif ayaa Umadda Soomaaliyeed sidoo kale uga tacsiyeyay geeridii ku timid Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

 

“Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo shacabka gobolka Banaadir aniga oo ka tacsiyeynaya geerida guddoomiyihii gobolka ahaana duqii caasimadda eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo goor dhoweyd la iisoo sheegey.Runtii waa geeri naxdin leh Ilaahayna samir iyo iimaan hanaga siiyo injineerka, isagana janadii haka waraabiyo, aanna u wada duceeyno walaalkeen” ayuu yiri Sidoo kale Sheekh Shariif.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment