426 Views

Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo

Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire falagle ayaa sheegay in saaka waaberigii hore ay Al-Shabaab weerar saf ballaaran ah kusoo qaadeen degaanka Baxdo oo hoostaga Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Al-Shabaab Afarta dhinaca ee degaanka Baxdo ay kasoo geliyeen Afar Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, hayeeshee Ciidamada DANAB, kuwa daraawiishta Galmudug & kuwa degaanka oo ka feejignaa weerarkooda ay ka hortageen, isla markaana Afartii Gaari, iyaga oo aan qarxin ay la wareegeen.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dagaal xoogan oo ka dhacay degaanka Baxdo looga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga dilay ku dhawaad 60 Xubnood halka dhankooda ay ka dhinteen mid kamid ah Cullimada degaanka oo dagaalka kujiray & Saddex Carruur ah oo rasaastu uga tagtay Guryahooda.

Al-Shabaab ayaa dhankooda goor sii horeysay sheegay in weerarkii ay ku qaadeen degaanka Baxdo ay ku dileen 27 maleeshiyaad degaanka ah, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada NISA ay degaanka Baxdo kusoo bandhigeen meydadka Xubno katirsan Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post