780 Views

Jabuuti oo mudda kooban xayirtay isu-socodka xuduudaha covid-19 dartiis

Jabuuti oo mudda kooban xayirtay isu-socodka xuduudaha covid-19 dartiis
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 24|  2020—Dalka Jabuuti, waxaa ka dhaqangelay amar lagu joojiyay isu socodka Xuduudaha muddo 15-cisho ah, si loo xakameeyo Xannuunka Coronavirus oo kiisas horleh laga diiwaangeliyay waddankaas.

Xukuumada ayaa sheegtay in ujeedka ay ka leedahay uu yahay ogaanshaha, halka uu kasoo laba-kacleeyay xannuunka Covid-19 oo kiisas cusub laga diiwaangeliyay qaybaha kamid ah Jabuuti.

Muumin Axmed Sheekh Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti  ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan muddada 15-cisho ah ee laga joojiyay isu socodka xuduudaha.

Muumin ayaa sheegay in muddadaas kooban lagu qiimeynayo xawaaraha cudurka, maadaama ay kala garan la’yihiin in sababta kordhineysa ay tahay isu gudubka dadka iyo in xannuunka uu weli gudaha ku dambeeyo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post