1458 Views

QM oo si kulul uga hadashay weerar lagu qaaday xarunta Xalane

QM oo si kulul uga hadashay weerar lagu qaaday xarunta Xalane
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 1, 2019 — Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in laba ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof qandaraasle ah ay ku dhaawacmeen weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal oo lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee ku dhex taalla Xalane.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midiobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa sheegay in toddoba madfac lagu soo riday xarunta, waxaana uu sheegay in dhaawaca soo gaadhay shaqaalaha uusan ahayn mid naftooda halis ku ah.

Haysom ayaa cambaareeyey weerarkaas, waxaana uu sheegay inuu yahay mid xadgudub ku ah sharciga bani’aadminnimada ee caalamka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan dhacay maanta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment