1095 Views

Muqdisho: Nin isagoo Hurdo ku Qarwayay ka soo dhacay Dabaq

Muqdisho: Nin isagoo Hurdo ku Qarwayay ka soo dhacay Dabaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Nin da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo afartan jir ayaa xalay saqdii dhexe ka soo dhacayay Dabaq ku yaal degmada Xamar weyne, isagoo hurdayay.

 

Ninkan ayaa la sheegay in xilliga uu soo dhacyay uu Qaraw ku jiray, waxaana saakay aroortii laga soo qaaday dabaq kale oo gaaban, kuna dhegan dabaqii uu degenaa oo ku dhow Hotelka Muna.

 

Waaxda Gurmadka deg deg ee Gobolka Banaadir ayaa u soo gurmatay oo ugu dambeyn halkaasi ka qaadeen, waxaana la sheegay inuu ka jabay laf dhabarta iyo qeybo kale oo jirkiisa ka mid ah.

 

Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir C/fitaax Xalane ayaa sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen.

 

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho la geeyay oo xaaladiisa lagu baxnaaninayo, waxaana uu dadka Muqdisho ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhismayaasha dabaqa ah ee dariishadaha u furan, taasna ay sababi karto qof hurda oo qarwa inuu ka soo dhaco.

 

Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen baraha bulshada.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment