372 Views

Shir ka furmay Magaalada Garoowe iyo waxa looga hadlayo

Shir ka furmay Magaalada  Garoowe iyo waxa looga hadlayo
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta oo sabti ah lagu wado in halkaas lagu qabtay Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii uu baaqday khamiistii aynu kasoo gudubnay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa shirkaan guddoomin doono, waxaana uu ka qabsoomi doonaa Madaxtooyada Garoowe ee xarunta maamulkaas.

Warar ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid diirrada lagu saari doono xaaladda xaaladda Amniga oo ay ku jirto Xiisadda ka soo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaanna degmada Boocame.

Maalin ka hor wefdi ka socda Somaliland oo ay galbinayaan Ciidamo xooggan ayaa socdaal ku maray degmada Boocame iyo degaannada hoos yimaada halkaas oo lagu soo dhoweeyay.

Xukuumadda Puntland ayaa la filayaa in uu cambaareeyo tallaabada Somaliland, sidoo kalena ay ku eedeeyso in ay hurinayso colaad beeleedyo ka dhacay inta u dhexaysa degmada Boocame iyo degaanka Birta-dheer ee Gobolka Nugaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post