840 Views

Dad ku dhaawacmay dagaalkii Beled-Xaawo oo Muqdisho la keenay

Dad ku dhaawacmay dagaalkii Beled-Xaawo oo Muqdisho la keenay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 26, 2021—Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ay xalay keentay in ku dhow 20 Ruux oo isugu jira askar iyo Shacab, kuwaas oo ku dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-Xaawo ku dhex-maray Ciidamada dowladda & kuwa Maamulka Jubbaland.

Dadkaan isugu jira askarta iyo Shacabka oo qaarkood dhaawacooda culus yahay ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu daaweeyo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayan in sidoo kale ay jiri karaan in saacadaha soo socda in degmada Beled-Xaawo laga keeno dhaawacyo kale oo ku waxyeeloobay dagaalka, kuwaas oo aan fursad loogu helin in xalay la keeno Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in dagaalkii ka dhacay Beled-Xaawo ay ku waxyeeloobeen askar labada dhinac ah ee dagaalamay iyo dad Shacab ah, balse aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.

Wararkii ugu dambeeyay ee Beled-Xaawo aan ka heleyno ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda ay ku sugan gudaha iyo daafaah degmadaas.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post