885 Views

Xildhibaan Odowaa “ Qoor Qoor wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah

Xildhibaan Odowaa “ Qoor Qoor  wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah
____________________________________________________________________________

.

April 20-2021

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka mida xildhibnanada Baarlamaankii 10-aad ayaa weerar afka ah ku ekeeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

“Madaxweynihii Galmudug na wuxuu Xamar u joogaa inuu Farmaajo kala shaqeeyo muddo kororsi sharci darro ah. Waana sababta markii horeba loo geystay Galmudug” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa oo sheegay in Alshabaab ay maalmihii lasoo dhaafay ay degaano ka qabsadeen Galmudug.

Farriintiisa ayuu ku sheegay in Madaxda dowlad dowlad goboleedyada uu Farmaajo dhistay, kuraastana u boobay, ayaa dhowr bilood waxay iska fadhiyaan Xamar, iyagoo aan wax war ah ka heyn dadkooda iyo deegaankooda.

Shabaab waxay qabsadeen dagmada Bacaadweyne oo ahayd magaalo muddo dhan kaligeed difaac ku jirtay, sidoo kale deegaanada Sinadhaqo iyo Labi Dulle oo ku yaalla duleedka koonfureed ee caasimadda Galmudug ee Dhuusmarreeb.” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa oo ka hadlay xaaladda Galmudug iyo saameynta Farmaajo

Wuxuu hadalkiisa kusoo xiray: “Farmaajo musiibada uu dalkan u horseeday kuma sinna inuu duminaayo dowladdii federaalka aheyd ee 20 sano lasoo dhisaayay, balse wuxuu sidoo kale duminayaa dowlad goboleedyadii dalka”

Arrintan ayaa u muuqata inay fashilantay dadaalkii lagu doonayey in Qoorqoor uu ka hor yimaado muddo kororsiga Maxamed Farmaajo.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post