702 Views

Maydka ninkii weerarka ka gaystay Tanzania oo lagu aasay Dar es Salaam

Maydka ninkii weerarka ka gaystay Tanzania oo lagu aasay Dar es Salaam
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

Meydka Hamza Mohammed, oo ku dhintay is -rasaaseyn dhexmartay booliska iyo isaga, ayaa lagu aasay magaalada Dar es Salaam habeenimadii Axadda.

Meydka ayaa la aasay kadib markii la geeyay Masjidka Mamuur ee Upanga ee Dar es Salaam halkaas oo loogu tukaday salaadda Janaasada.

Sida uu qoray wargeyska Mwananchi, meydka ayaa markii hore la filayay in la aaso 7 -da fiidnimo balse afhayeenka qoyska Abdulrahm Hassan ayaa sheegay in meydka uu dib u dhacay sababo la xiriira shaqada saarista rasaasta haray.

Afar qof ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen isbuucii la soo dhaafay is rasaaseyn ka dhacday isgoyska waddooyinka Kenyatta iyo Kinondoni oo u dhow Safaaradda Faransiiska ee Daarusalaam.

Madaxa howlgallada booliska, Liberatus Sabas, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in aan la ogeyn ujeeddada uu lahaa nink weerarka geystay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post