357 Views

Alshabaab oo si Xoog ah kula wareegay isbitaalka Ceelbuur

Alshabaab oo si Xoog ah kula wareegay isbitaalka Ceelbuur
____________________________________________________________________________

Isniin: Jun 20 . 2022

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab si xoog ah kula wareegtay maamulka Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Baxdo. Qaar ka mid ah dadka deegaanka Ceelbuur oo codsaday in magacyadooda la adeegsan ayaa warbaahinta u sheegay in degmadaas la geeyey meydadka 37 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka ku qaaday deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud Jimcihii lasoo dhaafay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii kale ee bukaanada ahaa laga saaray gudaha Isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, waxaana la sheegay in dadka deegaanka amar lagu siiyay inay u soo dhawaan isbitaalka, lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada Al-shabaab ay dhigeen Isbitaalka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Isbitaalka degmada Ceelbuur oo aan horay u shaqey jirin ayaa dhowaan waxaa dib u howl geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, hayeeshee Al-shabaab ayaa hadda la wareegtay gacan ku heynta maamulka Isbitaalka degmadaasi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post