717 Views

Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka

Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday London.

“Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra”iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Marxuum Afrax uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed oo ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo Ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

Dhamaad

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post