780 Views

Afhayeenka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilkii xalay loo geystay guddoomiyihii dhalinyarada

Afhayeenka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilkii xalay loo geystay guddoomiyihii  dhalinyarada
____________________________________________________________________________

 Talaado:  June 22 2021

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cabdi Muumin Cilmi ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen magaaladaasi, kadib dilkii xalay loo geystay guddoomiyihii ururka dhalinyarada gobolkaasi, Marxuum Faarax Diir Cabdi, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Muumin ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah oo tuhun-sanayaal ah loo soo qabtay dilka loo geystay guddoomiyihii hore ee ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan.

“Mar haddii uu shil meel ka dhaco waxaa loo soo qabtaa cid walbo oo laga shakiyo, balse baaritaanka ayaa lagu kala saaraa, wayna jiraan dad loo soo qab-qabtay dhacdadaasi oo tuhun-sanayaal ah ,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Muumin.

Allaha u naxariistee Faarax Diir ayaa maanta aas loogu sameeyey gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweyne ah.

Sidoo kale Dilka loo geystay marxuumka ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post